Tuesday, 17 January 2017

Ifiye



Fikirkaaga togan
Ku tilmaamso heer
Garashiyo tisqaad
Maskaxdana tayeey
Hal tusaale hoo
Tacab maanka gali
Cilmi waa tigaad
Akhris taag ka dhigo
Ku tabobar naftoo
Taabbaqaad ahow.

Dhalintaa tashatay
Isu wada tagtoo
Tiigsatay wanaag
Tusmo loo bogiyo
Tusaalihi wacna
Tubta keentayoo
Tawradii ifiye
Tiirka u mudoo
Caqabadi hor tiil
Dhex taraartayoo
Wax la taaban karo
Waa kuwa na tusay.

Ifiyaa taladi
U gurfaysay toos
Cilmigaan tabniyo
Samo tiicay beey
Soo toosiyeen
Tallankaan qabniyo
Walaaci la tuur
Raxmad baa timoo
Jahligii tagyoo
Xumihii tirtiran.

Tafantoofki shalay
Dhibti aan tirsanay
Tasowgii mar hore
Baan ka so tagnoo
Waxaan so tukubno
Tobanaan sanaba
Mar haddaan togii
Ka tilaabnay gabi
Tubta guusha iyo
Tanaadki bulshada
Taam buu noqdeen.

Waxa taabagalay
Akhris iyo tacliin
Meel loo tagoo
Loogu talagalo
Laga helo tixraac
Tayo iyo aqoon
Taariikh horiyo
Cilmi baa na tuban.

Taako baan hore
U tilaabsanoo
Guushi waa tano
Waan taabanee
Taawigi kal hore
Lagu taami jirnay
Wuu taagan yahay.

Tiimkaa ifiye
Tol ayaan nahee
Dhamaan taabaco
Taageera oo
Bal u tooghayoo
Taga meesha oo
Ku tixnaada ebid
Cabdinaasir Maxamed Cali
Xiriir:- nafdeeq@gmail.com

No comments:

Post a Comment