Tuesday, 17 January 2017

Ifiye



Fikirkaaga togan
Ku tilmaamso heer
Garashiyo tisqaad
Maskaxdana tayeey
Hal tusaale hoo
Tacab maanka gali
Cilmi waa tigaad
Akhris taag ka dhigo
Ku tabobar naftoo
Taabbaqaad ahow.

Dhalintaa tashatay
Isu wada tagtoo
Tiigsatay wanaag
Tusmo loo bogiyo
Tusaalihi wacna
Tubta keentayoo
Tawradii ifiye
Tiirka u mudoo
Caqabadi hor tiil
Dhex taraartayoo
Wax la taaban karo
Waa kuwa na tusay.

Ifiyaa taladi
U gurfaysay toos
Cilmigaan tabniyo
Samo tiicay beey
Soo toosiyeen
Tallankaan qabniyo
Walaaci la tuur
Raxmad baa timoo
Jahligii tagyoo
Xumihii tirtiran.

Tafantoofki shalay
Dhibti aan tirsanay
Tasowgii mar hore
Baan ka so tagnoo
Waxaan so tukubno
Tobanaan sanaba
Mar haddaan togii
Ka tilaabnay gabi
Tubta guusha iyo
Tanaadki bulshada
Taam buu noqdeen.

Waxa taabagalay
Akhris iyo tacliin
Meel loo tagoo
Loogu talagalo
Laga helo tixraac
Tayo iyo aqoon
Taariikh horiyo
Cilmi baa na tuban.

Taako baan hore
U tilaabsanoo
Guushi waa tano
Waan taabanee
Taawigi kal hore
Lagu taami jirnay
Wuu taagan yahay.

Tiimkaa ifiye
Tol ayaan nahee
Dhamaan taabaco
Taageera oo
Bal u tooghayoo
Taga meesha oo
Ku tixnaada ebid
Cabdinaasir Maxamed Cali
Xiriir:- nafdeeq@gmail.com

Riski ha is galin


• Rafiiqeygow
• Romaantik iyo
• Redh roosis baa
• Nafteyda u roon
• Riyal laafkuna
• Wuu rumobiyo
• Raaliyan noqon.
• Adiguna Raxmoy
• Rasumaal dahab
• Waan kugu raray
• Riyadaaduna
• Wax raqiiseey
• Raadineysaa.
• Raas xanuuniyo
• Rabash iga daa
• Rashin karinkiis
• Waa rafaadee
• Rooti sanwiij
• Ristorontigaa
• Nooga raadi.
• Raali noqo bal
• Ra’yi gaagana
• Nooma roone
• Run waxey tahay
• Rabitaankaa
• Ma riyaaqsani.
• Ina i rarato
• I rakaabiso
• Reedhi uma ihi
• Reer galbedkaan
• Reerahodaan
• U riyaaqoo
• La raxleynaa
• Rukun reereed
• Raad raac hore
• Dhaqan rasmiyaba
• Rooney maama
• Rorojisayoo
• Ha ka roorine
• Wat is roongi!
• Riski ha is galin
• Rabtaan joogno
• Anaa ka rago
• Rabitaankeey
• Raali ku ahow
• Rabash yuu dhicin
• Raxmadaadana
• Yey san raagino
• Rafaad yu iman

Curin:- Cabdinaasir Maxamed Cali
Xiriir:-Nafdeeq@gmail.com

Waxaan Anna Masuugay

Maansadaan gaaban waxey qeyb ka tahay Silsiladii Ina Macalin Ciise uu ibo-furayAbwaan Khaliif Faarax Xayir, waxey soo baxayday 24/3/2015 magacedu waaWaxaan Anna Masuugay  waxeyna u dhaceysaa sida tan:-
Marka hore salaan guud
Inta miimka curisiyo
Mu’alifiinta oo idil
Masifo iyo jiiftada
Gabayada maldahanoo
Micna yaal sameeyoo
Murti maal ku caan yahay
Hibo mowle weeyaan.
Marka xikta maalmahaan
Dood baan maqlaayiyo
Inan la mudacaayoo
Magaceedu uu yahay
Ina macalin ciisee.
Waxaan anna masuugay
Kuwa muranka kiciyiyo
Musharixiinta oo idil
Maqarsaarka beentaa
Muska inta la taagane.
Hal-abuurka maansada
Maag yahay maqaalkood
Gafna uu ka muuqdee
Duqa macalin ciisaa
Mar horuuba daawaday
Inta uu is madax maray
Maqar iyo masaar iyo
Mindi dheer ayuu watay.
Oday macalin ciisiyo
Khaliifo mudnaan helay
Waan arkayay maantoo
Ayagoo magaalada
Dhex mushaaxayaanee.
Ina macalin ciisana
waxbarashada madigiyo
Diintii macaaneed
Mar horeyba baratoo
Mister bey ka sidataa,
Sirna waaye magacuye
Maan sheegin anigana.
Ina macalin ciisana
Marfish iyo muqaayado
Meelaha marqaankiyo
Musik iyo kalaabada
Waligeedba may tagin
Saa macalin baa dhalay.
Oday macalin ciisana
Inantiisa magaca leh
Maalmo ka hor ayuu
Ku mehriyay khaliifee
Marqatiyadana kuligod
Magaaladey dhex jogaan.
Mahuraan ku waa guur
Mar hadeyba guri gashay
Marwo reer leh ay tahay
Maqaraarur daayee
Mid kaleeto raad sada
Hablaheena milicsada
Malyumaad ka badanoo
Midaan kaliya mahane.
Curiye:-Cabdinaasir Maxamed Cali
Xiriir:- nafdeeq@gmail.com